José Mourinho oo ka hadlay suuqa kala iibsiga iyo kusoo laabashadiisa Santiago Bernabéu

Tababaraha José Mourinho ayaa sheegay in isaga ahaan kooxda uu hadda haysto ay xiran tahay, inkastoo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda uu weli furan yahay.

Mourinho ayaa yiri: “Aniga ahaan, kooxda suuqa waa ka xiran yahay… laakiin suuqa kala iibsigu weli wuu furan yahay.”

Tababaraha ayaa sidoo kale sheegay inuusan doonayn in ciyaartoydiisu ka tagaan kooxda, isagoo tilmaamay inuu aad ugu faraxsan yahay xiddigaha hadda gacantiisa ku jira :- “Haddii uu jiro ciyaaryahan doonaya inuu baxo… ma garanayo. Aad ayaan ugu faraxsanahay ciyaartoyda aan haysto. Ma doonayo in ciyaartoydu baxaan.”

Mourinho ayaa sidoo kale ka hadlay sida uu doonayo in taageerayaasha Santiago Bernabéu ay ugu soo dhaweeyaan kooxda, isagoo sheegay inuusan doonayn soo dhaweyn isaga si gaar ah loogu sameeyo :- “Ma doonayo in Bernabéu ay ii soo dhaweyso si gaar ah.”

Wuxuu intaas ku daray inuu doonayo in taageerayaashu ay kooxda oo dhan ku soo dhaweeyaan xamaasaddii caanka ahayd:- “Waxaan rabaa inay kooxda ku soo dhaweeyaan xamaasadda ay leedahay. Xamaasaddaas waxay soo martay waqti adag xilli ciyaareedkii hore.”

Hadallada Mourinho waxay muujinayaan inuu doonayo in diiradda la saaro kooxda oo dhan, halkii isaga iyo shakhsiyaddiisa laga dhigi lahaa xarunta kulanka, Sidoo kale, wuxuu caddeeyay in haddii aysan jirin ciyaartoy dalbanaya inuu baxo, uusan qorsheynayn inuu kooxdiisa wax ka beddelo, inkastoo suuqa kala iibsigu weli furan yahay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga