7-da Ciyaaryahan ee Kubadda Cagta Maanta Loogu Nacabka Badan Yahay, Maku jira mid aad taageertid ?

Kubadda cagta mar walba waxay lahayd ciyaartoy muran badan dhaliya, balse xilligan casriga ah dhacdo hal ilbiriqsi oo garoonka ka dhaca ayaa daqiiqado gudahood isu beddela dood caalami ah oo qabsata baraha bulshada.

Toddobadan ciyaaryahan ayaa ka mid noqday kuwa sida weyn loo dhaliilay bilihii ugu dambeeyay, iyadoo mid walba uu leeyahay sheeko gaar ah.

Enzo Fernández ayaa noqday ciyaaryahanka ugu muranka badan liiskan, Arrintiisu waxay soo bilaabatay intii lagu jiray Copa América 2024, markii uu baahiyay muuqaal ay ciyaartoyda Argentina ku qaadayeen hees lagu dhaliilayay ciyaartoyda Faransiiska ee asal ahaan Afrika kasoo jeeda.

Inkastoo uu raalli-gelin bixiyay isla markaana uu taageeray olole ka dhan ah takoorka, haddana sumcaddiisa dhaawac ayaa soo gaaray. Murankaas waxaa sii xoojiyay Koobkii Adduunka kadib markii dabaaldegga Argentina lagu soo bandhigay boorar siyaasadeed oo kiciyay dood cusub, halka hadal uu ka yiri dadka Ingiriiska uu si weyn u qabsaday baraha bulshada, Intaas waxaa u sii dheeraa kaarkii casaanka ahaa ee uu qaatay finalka iyo qaab ciyaareedkiisa adag oo dhaliyay dhaleeceyn badan.

Leandro Paredes isaguna wuxuu cinwaanada wararka galay halka ugu sareeya kadib markii uu dagaal la galay ciyaartoyda Spain daqiiqado kadib markii finalka uu dhammaaday,  Kaamirooyinka ayaa qabtay isagoo muran xooggan la galay Eric García isla markaana dhulka ku tuuray Gavi,  Tababare Lionel Scaloni ayaa ku qasbanaaday inuu kala dhex galo, halka goolhayihii hore ee England Joe Hart uu ku tilmaamay falkaas mid laga xumaado., Waxaa la filayaa inuu wajaho ganaax culus oo FIFA ah.

Alejandro Garnacho ayaa isna noqday ciyaaryahan si weyn loo hadal hayo Kadib khilaafkii kala dhexeeyay isaga  & Ruben Amorim ee Manchester United iyo ka maqnaanshihii finalka Europa League, wuxuu ugu wareegay Chelsea lacag dhan £40 milyan. Si kastaba ha ahaatee, Chelsea gudaheeda ayuu mar kale la kulmay dhibaatooyin, iyadoo la sheegay in kooxda ay diyaar u tahay inay iska iibiso Sawir uu Luke Shaw ku baahiyay baraha bulshada oo muujinayay isaga oo Garnacho riixaya ayaa sii huriyay hadal-heynta, maadaama ciyaartoy badan oo United ah ay taageereen qoraalkaas.

Alexander Sørloth ayaa noqday bartilmaameedka taageerayaasha kadib markii uu seegay fursad dahabi ah kulankii Norway iyo England ee Koobka Adduunka, halkii uu kubadda u dhiibi lahaa Erling Haaland oo goosha oo faaruq haystay, ayuu isagu toogtay, waxaana kubaddii la xiray. England ayaa markaas kadib ciyaarta rogtay oo guul gaartay, Inkastoo Sørloth uu qirtay inuu qalad sameeyay, haddana wuxuu la kulmay dhaleeceyn aad u xooggan iyo hanjabaado.

Federico Valverde ayaa isaguna galay xilli adag kadib laba isku dhac oo tababarka Real Madrid dhexdiisa ah isaga iyo Aurélien Tchouaméni. Mid ka mid ah dhacdooyinkaasi wuxuu sababay dhaawac wajiga ah oo Valverde soo gaaray, iyadoo labadoodaba la ganaaxay. Xilli ciyaareedkiisa ayaa sii xumaaday markii Uruguay ay si degdeg ah uga hartay Koobka Adduunka.

Matías Galarza ayaa noqday wejiga muranka Paraguay kadib kulankii France, Paraguay waxaa lagu eedeeyay waqti lumis, qaladaad joogto ah iyo dhaawacyo la iska dhigayo, Galarza ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu si ula kac ah u carqaladeeyay Mbappé, isagoo horeyna caan uga noqday muuqaal uu saacaddii garsooraha soo qaaday intii ciyaartu socotay.

Simon Adingra ayaa isna noqday ciyaaryahan si weyn loo dhaliilay kadib markii uu lumiyay fursad gool oo aad u fudud kulankii Germany iyo Ivory Coast , halkii uu goolka dhalin lahaa ayuu kubadda si khaldan u leexiyay, waxaana Germany markiiba heshay goolkii guusha. Inkastoo aan lagu eedayn ula kac, haddana muuqaalkaas ayaa noqday mid si weyn loogu faafiyay internet-ka.

Sheekooyinka ciyaartoydan waxay muujinayaan sida kubadda cagta casriga ah ay hal qalad ama hal go’aan oo ilbiriqsi gudihiis lagu gaaro ugu beddeli karto ciyaaryahan geesi ahaa qof si weyn loo dhaleeceeyo. Mararka qaar waxa la neceb yahay ma aha waxa uu ciyaaryahanku dhab ahaan sameeyay, balse waa sida ay dadka u fasirteen dhacdada.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga