Karim Benzema Sidee buu u arkaa in Zidane Macalin uu unoqdo Xulka Qaranka Spain ?

Halyeeyga reer France Karim Benzema ayaa si weyn u ammaanay Zinedine Zidane, isagoo ka hadlay wararka la xiriira inuu noqon karo tababaraha cusub ee xulka qaranka Faransiiska mid guuleysta.

Benzema ayaa sheegay inuusan hubin in Zidane si rasmi ah loo magacaabay, balse haddii ay taasi run noqoto uu aad ugu farxi doono.

“Ma ogi inuu isagu yahay tababaraha cusub, laakiin haddii uu yahay, haa, runtii aad ayaan ugu faraxsanahay.”

Xiddigii hore ee Real Madrid ayaa sidoo kale muujiyay xiriirka dhow ee kala dhexeeya Zidane, isagoo yiri:

“Waa halyeey, waana walaalkayga iga weyn.”

Hadalka Benzema ayaa mar kale muujinaya ixtiraamka iyo xiriirka adag ee ka dhexeeya labada halyeey ee Faransiiska, kuwaas oo si wadajir ah guulo waaweyn ula gaaray Real Madrid CF.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga