Kooxda FC Barcelona ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday saxiix cusub oo ay sameysay inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan, iyadoo kooxda da’yarta ee Barcelona Atlètic ay la wareegtay weeraryahanka reer Ghana Aziz Issah.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Barcelona, heshiis kama dambeys ah ayaa lala gaaray kooxda Ghana ee Dreams F.C., waxaana Aziz Issah si rasmi ah ugu biiray Barcelona kadib labo xilli ciyaareed oo uu kooxda ugu ciyaarayay amaah.
21-sano jirkan ayaa qalinka ku duugay heshiis soconaya ilaa Juun 2028, iyadoo Barcelona ay sidoo kale heshiiska ku dartay ikhtiyaar ay ugu kordhin karto hal sano oo dheeraad ah.
Aziz Issah ayaa saxiixay heshiiskiisa kadib markii uu si guul leh uga gudbay baaritaankii caafimaadka, waxaana goob joog ka ahaa agaasimaha kubadda cagta ee da’yarta Barcelona, José Ramón Alexanko.
Dhanka kale, Barcelona ayaa sii wada xoojinta kooxaheeda kala duwan, iyadoo hore xagaagan ula soo saxiixatay Anthony Gordon iyo Karim Adeyemi, kuwaas oo lagu daray kooxda koowaad si loo xoojiyo tartanka xilli ciyaareedka cusub.

Be the first to comment