Goormaa ay soo galeysa Kulanka Real Madrid vs Laganes Wax walba oo aad uga baahantahay ?

Kooxda Real Madrid CF ayaa caawa ciyaar saaxiibtinimo la yeelan doonta CD Leganés, iyadoo kulankan uu qeyb ka yahay diyaar-garowga kooxda ee xilli ciyaareedka cusub ee 2026/27.

Tababare José Mourinho ayaa sii wada tijaabinta ciyaartoydiisa ka hor bilaabashada horyaalka La Liga. Kulanka ayaa lagu ciyaari doonaa garoonka Alfredo Di Stéfano Stadium>, waxaana uu imanayaa kadib markii Real Madrid ay 1-0 kaga badisay Alcorcón ciyaar saaxiibtinimo oo ay ciyaareen toddobaadkii hore.

Ciyaarta Real Madrid iyo Leganés waxay bilaaban doontaa 7:00 fiidnimo waqtiga Geeska afrika.

Kulankan waxaa lagu ciyaari doonaa albaabadu u xiran yihiin taageerayaasha, sidaas darteed si buuxda looma baahin doono. Si kastaba ha ahaatee, 50-ka daqiiqo ee ugu horreeya ayaa si toos ah looga daawan karaa telefishinka Real Madrid TV (RMTV).

Real Madrid ayaa sidoo kale la ciyaari doonta ACF Fiorentina iyo Deportivo de La Coruña kulamo kale oo saaxiibtinimo ah, ka hor inta aysan bilaabin ololahooda La Liga oo ay 22-ka Agoosto la ciyaari doonaan **RCD Espanyol>.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga