Cole Palmer oo fariin cabsi cabsi udiray kooxaha mucaaradka Premier Leage ga Muxuu yiri. ?

Cole Palmer ayaa muujiyay kalsooni iyo kaftan kadib markii Chelsea ay 3-2 kaga adkaatay Fulham kulankii furitaanka Premier League, iyadoo xiddiga reer England uu door weyn ka qaatay guusha kooxda uu tababare u yahay Xabi Alonso.

Palmer ayaa ahaa mid ka mid ah ciyaartoydii ugu fiicnaa kulanka, waxaana uu dhaliyay goolkii saddexaad ee Chelsea, kaasoo ugu dambeyn noqday goolka guusha,  waxa kale oo uu caawiyay goolkii João Pedro, taasoo ka dhigtay inuu si toos ah uga qayb qaato laba ka mid ah saddexda gool ee Chelsea.

Kadib ciyaarta, Palmer iyo Morgan Rogers ayaa waraysi siiyay Sky Sports  Weriyaha Emma Saunders ayaa Palmer weydiisay: “Sidee ayaad ugu diyaar garowday xilli ciyaareedkan?” , Palmer oo dhoola-caddeynaya ayaa si kaftan ah ugu jawaabay: “Miyaadan ciyaarta daawan?” Kadib wuxuu caddeeyay inuu kaftamayay, isagoo yiri inuu si buuxda ugu diyaar yahay xilli ciyaareedka cusub.

Palmer ayaa sheegay in xilli ciyaareedkii hore uu ahaa mid adag, gaar ahaan dhaawacyadii soo noqnoqday ee saameeyay ciyaartiisa,  wuxuu xusay inuu xagaaga si gaar ah uga shaqeeyay sidii uu uga hortagi lahaa dhaawacyadaas inay mar kale soo laabtaan.

Xiddiga Chelsea ayaa sidoo kale sheegay inuu hadda dareemayo inuu dib u soo cusboonaaday, diyaar yahay, isla markaana uu gaajaysan yahay inuu guulo gaaro, wuxuu ku adkeystay in marka uu maalin kasta si adag u shaqeeyo uu si fiican u ogyahay awoodda iyo hibada uu leeyahay.

Palmer xilli ciyaareedkii hore wuxuu ku koobnaa 24 kulan oo uu Premier League ku soo bilowday, kadib markii dhaawac gumaarka ah uu muddo dheer ka maqnaansho ku qasbay,  dhaawacaas ayaa sidoo kale sababay inuu waayo booskii uu kaga mid noqon lahaa xulka England ee Koobka Adduunka.

Laakiin kulankii Fulham wuxuu bixiyay fariin cad: Cole Palmer wuxuu doonayaa inuu xilli ciyaareedkan dib ugu soo laabto heerkiisii ugu fiicnaa  Gool, caawin iyo bandhig wanaagsan ayuu ku bilaabay, iyadoo Chelsea ay sidoo kale heshay saddex dhibcood oo muhiim ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga