Barcelona ayaa guul weyn ka gaartay basel, kadib markii ay 5-2 kaga adkaatay ciyaar saaxiibtinimo oo ka tirsan diyaar-garowga xilli ciyaareedka cusub, kulankan wuxuu ahaa mid ka mid ah kulamadii ugu dambeeyay ee Barcelona ee pre-season-ka, waxaana muhiimad gaar ah lahaa maadaama ciyaartoydii xulka Spain ee fasaxa ku maqnaa ay markii ugu horreysay ku soo laabteen kooxda.
Barcelona ayaa ciyaarta si wanaagsan ku bilaabatay, waxaana goolka koowaad u dhaliyay Karim Adeyemi kaasoo helay caawin uu soo bixiyay Raphinha, goolkani wuxuu ahaa goolkiisii ugu horreeyay tan iyo markii uu ku soo biiray Barcelona.
Mid ka mid ah ciyaartoydii sida weyn u soo jiitay indhaha ayaa ahaa Xavi Espart , kaasoo khadka dhexe si wanaagsan uga ciyaaray, isagoo sameeyay baasas muhiim ah iyo dhaqdhaqaaqyo muujinayay biseyl ciyaareed, Si kastaba, Barcelona ayaa qeybtii hore ku dhamaysatay xaalad aan wanaagsanayn kadib markii Basela ay ka faa’iidaysatay qalad difaac oo ay ku dhalisay goolka barbaraha.
Qeybtii labaad ayuu tababare Hansi Flick isbeddello sameeyay, waxaana garoonka soo galay Hamza , kaasoo sii wada bandhiggiisa wanaagsan ee pre-season-ka, weeraryahanka reer Masar ayaa shan daqiiqo oo keliya kadib markii uu soo galay dhaliyay goolka labaad ee Barcelona, isagoo ka faa’iidaystay baas xooggan oo uu bixiyay Adeyemi, Goolkani wuxuu ahaa goolkiisii saddexaad shantii kulan ee saaxiibtinimo ee uu ciyaaray.
Intaas kadib, Flick wuxuu bilaabay inuu soo geliyo xiddigihii xulka Spain, waxaana garoonka soo galay Lamine Yamal, Pau Cubarsí iyo Dani Olmo kuwaasoo markii ugu horreysay ciyaarayay kulankan pre-season-ka, Lamine Yamal ayaana waqti yar ku qaatay inuu saameyntiisa muujiyo, isagoo rigoore loo dhigay Koundé ka dhaliyay goolka saddexaad ee Barcelona.
Basel ayaa markale ka jawaabtay, waxaana ay heshay rigoore oo ay ka dhalisay blugrana , taasoo ciyaarta ka dhigtay mid xiiso badan, laakiin Barcelona ma aysan joogsan, waxaana waqtigii dambe soo baxay Bisiwu, kaasoo shan daqiiqo gudahood ku dhaliyay laba gool.
Goolkiisii ugu horreeyay wuxuu ahaa mid farsamo ahaan aad u qurux badan, halka goolka labaad uu ka dhashay qalad weyn oo ay sameeyeen difaacyada Basela, iyadoo Lamine Yamal uu kubadda ka faa’iidaystay fursaddaas oo uu siiyay Bisiwu, Xiddiga 18-jirka ah ayaa sidaas ku noqday mid ka mid ah ciyaartoydii ugu waaweynaa kulanka.
Ugu dambeyn, Barcelona ayaa 5-2 ku garaacday Basela , iyadoo ciyaartu siisay Hansi Flick fursad uu ku qiimeeyo ciyaartoy cusub iyo kuwii xulalka ka soo laabtay. Adeyemi, Hamza, Lamine Yamal iyo Bisiwu ayaa dhammaantood shabaqa soo taabtay, halka bandhigga Xavi Espart uu sidoo kale ahaa mid si gaar ah loo xusay.
Dhanka kale, Lamine Yamal ayaa noqday xiddigii ugu weynaa ee taageerayaasha Basela indhahoodu ku jeedeen, Markii uu iskululaynta bilaabay iyo markii uu garoonka soo galayba, taageerayaasha St. Jakob Park ayaa si weyn u sacbiyeen, Qaar badan oo taageerayaal ah ayaa xitaa soo xirtay funaanadaha Barcelona oo dhabarka kaga qoran magaca Lamine Yamal iyo lambarka 10-aad, taasoo muujinaysa sida caalamka oo dhan uu xiddiga da’da yar ugu noqday astaan weyn.
Be the first to comment