Athletico miyey Alvarez u ogolaatay inuu ku biiro Barcelona Maxaa cusub ?

Xog cusub oo laga helayo Argentina ayaa sheegaysa in Atlético Madrid ay Julián Álvarez ku dhiirrigelisay inuu si public ah u caddeeyo inuu doonayo inuu kooxda ka tago, kaddib markii uu ciyaaryahanku arrintaas hore ugu sheegay kooxda si gaar ah.

Sida warbixintu sheegtay, Álvarez wuxuu horey maamulka Atlético ugu caddeeyay rabitaankiisa, balse kooxda ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhiirrigelisay inuu arrintaas bannaanka keeno, markii uu ugu dambayn si cad uga hadlay mustaqbalkiisa intii lagu jiray Koobka Adduunka, maamulka Atlético ayaa la sheegay inay aanay filayn inuu dhab ahaan si public ah u sameeyo, taasina waxay keentay in xerada Álvarez ay dareento in la marin habaabiyay oo xitaa la khiyaamay.

Álvarez ayaa markaas si cad u sheegay inuu doonayo inuu ka tago Atlético, isagoo sheegay in wareejintu ay u wanaagsan tahay dhammaan dhinacyada, taasoo xaaladda ka dhigtay mid aad u cakiran.

Laakiin hadda xaaladdu way is beddeshay, Atlético Madrid waxay si adag ugu adkaysanaysaa in Álvarez uusan iib ahayn, halka tababare Diego Simeone uu sidoo kale sheegay in kooxdu go’aan ka gaartay inay sii haysato weeraryahanka.

Waxaa intaas dheer, wararka Spain ka imanaya waxay sheegayaan in Álvarez uu hadda ka qoomameynayo sida arrinta loo maareeyay, isla markaana uu raalli-gelin ka bixiyay xaaladda. Si kastaba, rabitaankiisii hore ee ahaa inuu ka fikiro bixitaan ayaa weli qayb ka ah khilaafka u dhexeeya ciyaaryahanka iyo kooxda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga