Tababaraha Manchester United Michael Carrick ayaa sheegay in kooxdu doonayso inay sameyso ugu yaraan laba saxiix oo kale ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga, united ayaa si gaar ah u raadinaysa daafac bidix iyo khad dhexe.
Kooxdu waxay wadahadallo aan rasmi ahayn la yeelatay wakiillada Lewis Hall ee Newcastle, halka Myles Lewis-Skelly oo Arsenal ah loo arko beddel kale, inkastoo qiimihiisa la doonayo uu United u muuqdo mid aad u sarreeya.
Khadka dhexe, United waxay xiisaynaysaa Aurelien Tchouameni oo Real Madrid ah iyo Carlos Baleba oo Brighton ka tirsan, Kooxdu waxay horey ula soo wareegtay Andrey Santos iyo Youri Tielemans, balse Carrick wuxuu doonayaa xoojin dheeraad ah.
Carrick wuxuu sheegay in kooxdu leedahay isku-dheelitirnaan wanaagsan, laakiin ay weli jiraan hal ama laba boos oo u baahan in la hagaajiyo, isagoo doonaya ciyaartoy kordhin kara tayada ama qoto-dheeraanta kooxda.
Tababaraha ayaa sidoo kale sheegay in hadafka United uu yahay inay sida ugu dhakhsaha badan ugu tartanto guulo iyo koobab, inkastoo uu qiray in kooxda ay weli ka shaqaynayso inay ka soo kabato natiijooyinkii sannadihii dambe.
Carrick wuxuu intaas ku daray in £100 milyan oo lagu bixiyo ciyaaryahan aysan si toos ah u dammaanad qaadin guul, balse haddii ciyaaryahankaasi yahay mid sax ah oo kooxda horumar u keenaya, lacag badan la bixin karo.
Be the first to comment