Koobka Adduunka Oo Galaafay Tababare Kale, Liiska Tababarayaasha Lumiyay Shaqadooda Inta Uu Socday Koobka Adduunka.

Tababaraha xulka qaranka Ghana, Carlos Queiroz, ayaa noqday tababarihii toddobaad ee shaqadiisa waaya kadib markii Black Stars laga reebay wareegga 32-ka ee Koobka Adduunka 2026.

Queiroz ayaa iska casilay xilka tababarenimo ee Ghana, isagoo xilka hayay muddo saddex bilood oo keliya.

Ghana ayaa ku guuldareysatay inay u gudubto wareegga 16-ka kadib markii ay 1-0 kaga adkaatay Colombia dhammaadkii toddobaadka.

Qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada ayuu Queiroz ku sheegay in muddadii uu Ghana joogay ay ahayd safar uu ku faanayo, isagoo xusay in kooxdiisu dib u soo celisay ixtiraamkii iyo sumcaddii Black Stars ee masraxa ugu weyn kubadda cagta adduunka.

Queiroz ayaa hadda ku biiray liiska tababarayaashii shaqadooda waayay intii uu socday Koobka Adduunka 2026, kuwaas oo kala ah Julian Nagelsmann (Jarmalka), Sebastián Beccacece (Ecuador), Ronald Koeman (Netherlands), Miroslav Koubek (Czechia), Steve Clarke (Scotland), iyo Hong Myung-bo (Koonfurta Kuuriya).

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga