Xulka England ayaa u gudbay wareegga siddeedda ee Koobka Adduunka 2026, kadib markii ay 3-2 kaga adkaadeen Xulk Mexico kulan xiiso badan oo ka tirsanaa wareegga 16-ka.
England ayaa hoggaanka la wareegtay daqiiqaddii 36-aad, kaddib markii uu madax qurux badan ku dhaliyay Bellingham kubbad uu soo karoos ay saka.
Laba daqiiqo kaddib, daqiiqaddii 38-aad,Bellingham ayaa markale shabaqa gaaray isagoo ka faa’iideystay baas sax ah oo uu siiyay kanw taasoo England ka dhigtay in ay 2-0 ku hogaaminayso ciyaarta.
Mexico ayaa farqiga soo yareysay daqiiqaddii 43-aad, markii uu gool xooggan ka dhaliyay xiddiga Quiñones gudaha xerada ganaaxa, taasoo ciyaarta dib u soo celisay ka hor dhammaadka qeybta hore.
Kulanka ayaa is beddelay daqiiqaddii 54-aad, markii daafaca England Quansah loo taagay kaarka cas, kaddib qalad adag oo uu ku galay Xiddig Mexico ah taasoo England ka dhigtay inay hal ciyaaryahan ku yaraato.
Inkasta oo ay 10 ciyaaryahan ku ciyaarayeen, England ayaa heshay rigoore daqiiqaddii 60-aad, waxaana si guul leh u dhaliyay Harry Kane, isagoo natiijada ka dhigay 3-1.
Mexico ayaa iyaduna heshay rigoore daqiiqaddii 69-aad, waxaana gool u beddelay Jiménez , si uu farqiga uga dhigo 3-2.
Guushan ayaa England u xaqiijisay inay u gudubto wareegga siddeedda, halkaas oo ay ku wajihi doonto Xulka Norway oo iyaguna 2-1 kaga soo adkaatay Xulka Brazil.
Be the first to comment