Manchester United ayaan wax qorshe ah u lahayn inay dalab u gudbiyaan daafaca Cristian Romero ee Tottenham Hotspur.
Warar ka soo baxay Argentina habeenkii Isniinta ayaa sheegayay in Manchester United ay xiisaynayso saxiixa Romero isla markaana ay diyaarinayso dalab rasmi ah.
Si kastaba ha ahaatee, ilo ku dhow Manchester United ayaa si adag u beeniyay wararkaas, iyagoo caddeeyay in kooxda aysan hadda qorshaynayn inay u dhaqaaqdo saxiixa daafaca reer Argentina.
Tani waxay ka dhigan tahay in wararka la xiriirinaya Romero iyo Manchester United aysan hadda lahayn sal adag, iyadoo kooxda Old Trafford aysan muujin wax dan ah oo rasmi ah oo ku saabsan ciyaaryahanka.
Warbixintaas ayaa la rumaysan yahay inay aad uga fog tahay xaqiiqada, maadaama Cristian Romero aanu ku jirin liiska bartilmaameedyada suuqa kala iibsiga xagaagan ee Manchester United.
Romero ayaa kabtan u ahaa Tottenham Hotspur xilli ciyaareedyo isku xiga oo kooxda ay ku dhamaysatay kaalinta 17-aad ee Premier League.
Spurs waxay xilli ciyaareedkan gashay xaalad halis ah oo ay uga hadhi gaadhay premier League, ka hor intii aanu tababare Roberto De Zerbi kooxda u horseedin badbaado.
Si kastaba ha ahaatee, Tottenham weli waxay halis ugu jirtaa inay lumiso kabtankooda Romero, iyadoo daafaca reer Argentina uu soo jiitay xiiso xooggan oo uga imanaya kooxo ka dhisan Spain.
Be the first to comment