Qaar ka mid ah kooxaha kubbadda cagta waxay xilli ciyaareedkii dhamaaday ku bilowdeen rajo weyn, kalsooni iyo filashooyin sare. Laakiin mararka qaar wax walba way burburaan, Natiijooyinku way xumaadaan, bandhigyada garoonkana way ku liitaan, qolka labiska ayaa kala daata, waxaana kooxda u baahataa wax ka badan hal ama laba saxiix oo cusub; waxay u baahan tahay dib-u-dhis buuxa.
Maanta waxaan eegaynaa 7 kooxood oo si degdeg ah ugu baahan dib-u-habayn weyn.
1. Tottenham Hotspur
Sheekada ugu yaabka badan kubadda cagta Ingiriiska xilli ciyaareedkan waa Tottenham. Kooxdii ku guulaysatay Europa League xilli ciyaareedkii hore ayaa hadda ku jirta kaalinta 17-aad ee Premier League, iyadoo la halgamaysa inay ka badbaaddo heerka labaad.
Saddex tababare ayay beddeshay hal xilli ciyaareed gudaheed, difaacooduna wuxuu noqday mid jilicsan. Xaaladda Spurs waxaa lagu tilmaamay burbur dhammaystiran oo u baahan dib-u-dhis guud.
2. Chelsea
Chelsea waxay kharash garaysay balaayiin, waxayna soo saxeexatay xiddigo badan, balse wali waxay ku jirtaa kaalinta 9-aad ee horyaalka.
Kooxdu ma laha qaab ciyaareed cad ama aqoonsi muuqda. Waxa kale oo si xun looga reebay Champions League iyadoo PSG kaga badisay guud ahaan 7-3. Chelsea waxay u baahan tahay hoggaan cusub, qorshe cad iyo nadiifin weyn oo kooxda ah.
3. Real Madrid
Inkastoo ay weli tahay mid ka mid ah kooxaha ugu waaweyn dunida, dhibaatooyin badan ayaa ka muuqda Real Madrid.
Waxaa jiray dagaal dhex maray Federico Valverde iyo Aurélien Tchouaméni intii lagu jiray tababarka. Sidoo kale taageerayaal badan ayaa dalbanaya in Kylian Mbappé la iibiyo. Kooxdu waxay ka hartay Champions League waxaana laga yaabaa inay laba xilli ciyaareed oo xiriir ah ku dhamaysato koob la’aan. Dib-u-habayn degdeg ah ayaa loo baahan yahay.
4. Brest
Brest waxay ahayd mucjisadii Faransiiska xilli ciyaareedkii hore markii ay markii ugu horreysay gaartay Champions League.
Laakiin xilli ciyaareedkan waxay ku jirtaa kaalinta 12-aad ee Ligue 1, iyadoo sagaal kulan oo xiriir ah aan guul gaarin. Kooxdu waxay u baahan tahay inay dib isu abaabusho si ay u sii ahaato koox tartan leh.
5. Juventus
Juventus waxay ku jirtaa kaalinta 4-aad ee Serie A, taas oo kooxo badan u noqon lahayd guul, laakiin Juventus waxay ahayd koox ku guulaysatay sagaal horyaal oo xiriir ah.
Kooxdu ma laha awooddii iyo maskaxdii guusha ee hore. Waxay ku dhibtoonaysaa kulamada muhiimka ah waxayna wali u dagaallamaysaa inay xaqiijiso boos Champions League ah. Dib-u-dhis dhab ah ayaa loo baahan yahay.
6. Borussia Dortmund
Dortmund waxay ku dhamaysatay kaalinta labaad Bundesliga, laakiin wali waxaa muuqda dhibaatooyin badan.
Kooxdu waxay leedahay tayo badan, balse si joogto ah ayay u sameysaa khaladaad sababa inay dhib kala kulanto kulamo ay ahayd inay si fudud u guulaysato. Waxay u baahan tahay isbeddel dhinaca maskaxda iyo qaab-dhismeedka kooxda ah.
7. Liverpool
Liverpool, oo ahayd horyaalka Premier League, ayaa hadda ku jirta kaalinta 5-aad iyadoo u dagaallamaysa u soo bixitaanka Champions League.
Bixitaankii Trent Alexander-Arnold iyo Luis Díaz ayaa saameyn weyn yeeshay. Qaab ciyaareedkii cadaadiska badnaa ee kooxda lagu yaqaanay ayaan si buuxda ugu wareegin xilligii Arne Slot. Go’aannada ay Liverpool qaadato xagaagan ayaa saameyn doona mustaqbalkeeda dhowrka sano ee soo socda.
Be the first to comment