WARBIXIN: Ciyaartoyo Walaalo Ah Oo Ka Wada Qayb Galaya Koobka Adduunka Sanadkan

Inta badan lama arko laba xiddig oo walaalo ah oo hal xul ama hal koox ka wada ciyaara laakiin koobka adduunka sanadkan ayaa ka duwanaan kara.

Koobka adduunka sanadkan ayaa lagu arki doonaan xiddigo walaalo ah oo isku xul u ciyaaraya ama laba xul oo kala duwan u ciyaaraya.

1. Quinten & Jurriën Timber (Netherlands)

  • Waa mataano isku eg.
  • Jurriën wuxuu ka ciyaaraa difaaca, Quinten-na khadka dhexe.
  • Labaduba waxay u ciyaarayaan Netherlands.
  • Waxay leeyihiin asal ka soo jeeda Curaçao.

2. Leandro & Juninho Bacuna (Curaçao)

  • Waxay ku dhasheen Netherlands balse waxay doorteen inay u ciyaaraan Curaçao.
  • Waxay gacan ka geysteen in Curaçao markii ugu horreysay u soo baxdo Koobka Adduunka.
  • Leandro waa kabtanka xulka Curaçao.

3. Lucas & Theo Hernández (France)

  • Labaduba waxay u ciyaaraan France.
  • Lucas waa ku guuleystaha Koobka Adduunka 2018.
  • Theo wuxuu rajaynayaa inuu ku guuleysto koobkiisii ugu horreeyay ee Adduunka.

4. Iñaki & Nico Williams (Ghana & Spain)

  • Inkastoo ay walaalo yihiin, waxay u ciyaaraan labo xul oo kala duwan.
  • Nico Williams wuxuu u ciyaaraa Spain.
  • Iñaki Williams wuxuu u ciyaaraa Ghana.
  • Waxaa suuragal ah inay iska hor yimaadaan wareegyada dambe ee tartanka.

5. Désiré Doué & Guéla Doué (France & Ivory Coast)

  • Désiré Doué wuxuu doortay France.
  • Guéla Doué wuxuu doortay Ivory Coast.
  • Labadooduba waxay leeyihiin aabbe reer Ivory Coast ah iyo hooyo Faransiis ah.
  • Sidoo kale waxaa dhici karta inay iska hor yimaadaan tartanka dhexdiisa.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga