Saddex Ciyaartoy Oo Ay Arsenal Doonayso Ka Hor Bilaabashada Xilli Ciyaareedka Cusub.

Arsenal ayaa laga yaabaa inay ugu yaraan saddex ciyaaryahan oo cusub ku darto kooxdeeda ka hor xilli ciyaareedka 2026/2027.

Tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, ayaa kadib guuldarradii xanuunka badnayd ee finalka UEFA Champions League ee PSG sheegay in kooxdiisu u baahan tahay horumar dheeraad ah.

Arteta wuxuu sheegay inuu doonayo ciyaartoy leh tayo gaar ah oo si shaqsi ah wax ugu soo kordhin kara qaabka ciyaareed ee Arsenal.

Khabiirka suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, Fabrizio Romano, ayaa hadda shaaciyay boosaska ay Arsenal diiradda saarayso.

Romano ayaa bartiisa X ku qoray Isniintii:

“Arsenal waxay durba bilowday qorshaynta iyo ka shaqaynta saxiixyada xagaaga.”

“Ugu yaraan saddex saxiix ayaa la filayaa, waxaana laga yaabaa inay intaas ka bataan iyadoo ku xiran ciyaartoyda baxaya.”

“Baalka weerarka (winger) waa mudnaanta koowaad; khadka dhexe iyo daafaca midig sidoo kale waa kuwo ku dhow in la soo iibiyo. Xaaladda weeraryahanka dhexe (striker) wali waa la sii qiimaynayaa.”

Sidaas darteed, Arsenal waxay si weyn u doonaysaa:

  • Baal weerar oo tayo sare leh.
  • Ciyaaryahan khadka dhexe ah.
  • Daafac midig.
  • Weeraryahan dhexe (iyadoo go’aan dambe laga gaari doono).

Taageerayaasha Arsenal ayaa hadda sugaya inay arkaan ciyaartoyda uu Arteta keeni doono si kooxda loogu sii xoojiyo tartanka horyaalka iyo Champions League xilli ciyaareedka dambe.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga