Arsene Wenger Oo Sharad Ku Galay Fursadaha Arsenal Ee Champions League

Tababarihii halyeeyga ahaa ee Arsenal, Arsene Wenger, ayaa sheegay inuu “lacag ku sharadan lahaa” kooxdiisii hore inay ku guuleysan doonto final-ka UEFA Champions League Final ee ay la ciyaarayaan Paris Saint-Germain.

Kooxda Arsenal ayaa rajaynaysa inay ku guuleysato koobkan markii ugu horreysay taariikhdeeda toddobaadkan.

Arsene Wenger ayaa si aad ah ugu dhawaa koobkan sanadkii 2006, wuxuuna sheegay in kooxdiisii waqtigaas ay “13 daqiiqo u jirtay” inay ku guuleysato.

Hadda wuxuu taageerayaa kooxda Mikel Arteta inay koobka keenaan garoonka Emirates Stadium.

Wenger ayaa u sheegay UK Mirror:“Waxaan doonayaa in koobkan la geeyo Emirates sababtoo ah halkaas ayuu ka maqan yahay”

” Waxaan horay ugu dhawaanay — waxaan 13 daqiiqo u jirnay inaan ku guuleysano — marka waxaad rabtaa inay markan dhacdo”

” Guud ahaan, waxaan aaminsanahay in tani ay tahay marxalad aan ku qaadi karno koobka. Weli waxaan rumeysanahay in final-ku yahay 50-50, laakiin haddii aan sharad geli lahaa, waxaan ka sharad geli lahaa Arsenal in ka badan Paris Saint-Germain.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga