Weeraryahankii hore ee Real Madrid, Michael Owen, ayaa magacaabay labada kooxood ee keliya ee uu u arko inay kula tartami karaan Arsenal horyaalka Premier League xilli ciyaareedka dambe.
Arsenal ayaa ku guuleysatay Premier League xilli ciyaareedkan, waxayna la ciyaari doontaa Crystal Palace kulankooda ugu dambeeya Axadda.
Isagoo la hadlayay Metro UK, Owen wuxuu yiri:
“Waxaan u maleynayaa in kooxda keliya ee Arsenal la tartami karta xilli ciyaareedka dambe ay ka imaan doonto Manchester.”
Wuxuu sii raaciyay:
“Waxaan aaminsanahay in Manchester City ay sii xoogeysan doonto, xitaa haddii Pep Guardiola baxo. Waxay Arsenal kula tartameen si adag xilli ciyaareedkan, waxayna ku guuleysteen labo koob oo gudaha ah.”
Sidoo kale Owen wuxuu sheegay:
“Manchester United waxay noqon kartaa koox horyaalka u tartanta haddii Michael Carrick sii wado shaqada. Marka aad eegto qaab ciyaareedkooda tan iyo markii uu yimid, runtii waxay u muuqdaan koox tartan geli karta.”
Dhanka Liverpool, Owen wuxuu sheegay in aysan wali gaarin heerka kooxaha horyaalka si dhab ah ugu tartami kara.
Be the first to comment