Arne Slot ayaa aaminsan in Arsenal ay ka hor istaagi doonto Manchester City tartanka horyaalka, isla markaana ay ku guuleysan doonto Premier League xilli ciyaareedkan.
City ayaa hadda laba dhibcood ka dambeysa Arsenal kadib markii ay 3-0 ku garaacday Crystal Palace habeenkii Arbacada.
Arsenal ayaa farqiga ka dhigi karta shan dhibcood haddii ay gurigeeda ku garaacdo Burnley maalinta Isniinta, ka hor inta aysan City u safan Bournemouth kulankooda xiga ee Salaasada.
Kooxda uu hoggaamiyo Mikel Arteta waxay maalinta ugu dambeysa ee horyaalka, 24-ka May, marti u noqon doontaa Palace, halka Manchester City ay gurigeeda kula ciyaari doonto Aston Villa.
Isagoo ka hadlayay shirkiisa jaraa’id ee Khamiista, Arne Slot ayaa la weydiiyay qaabka ciyaareed ee Liverpool xilli ciyaareedkan. Jawaabtiisa ayuu ku sheegay in adkeysiga difaaca ee Arsenal uu door weyn ka ciyaaray tartanka horyaalka.
“Tan ayaa kubadda cagtu keentaa. Ujeedadu mar walba ma aha inaad inaad difaac ciyaarto, laakiin waxaan joognaa Premier League iyo Champions League, mararka qaarna waxaad la kulantaa kooxo si fiican kubadda ula dhaqma. Chelsea waa mid ka mid ah kooxahaas, sidoo kale afar ama shan kooxood oo kale,” ayuu yiri Slot.
“Waxaan sidoo kale si kale u dhigi karaa, uma maleynayo inay ahayd qorshaha Chelsea inay qeybtii labaad inta badan ku jiraan garoonkooda dhexdiisa, sababtoo ah taas ma aha qaab ciyaareedkooda.
“Laakiin mararka qaar kooxda kale ayaa kaa fiican ama ciyaarta qeyb ka mid ah ayay kaa awood badan yihiin, markaas waa inaad difaacataa”
“Kooxda ku guuleysan doonta horyaalka — ugu yaraan sida aan filayo — waxaan u maleynayaa inay noqon doonto Arsenal. Waxay leeyihiin waqtiyo badan oo ciyaarta ah oo ay khasab ku tahay inaad goolkaaaga difaacdaan, arrintaasna si aad u fiican ayay u sameeyaan. Taasina waa mid ka mid ah sababaha ay horyaalka ugu guuleysanayaan”
“Mararka qaar waa inaad aqbashaa xaaladdaas. Waxaa laga yaabaa inaadan rabin, laakiin haddii kooxda kale kubadda haysato, waa inaad difaacataa, taas oo kubadda cagta caadi ka ah.”
Be the first to comment