Arsene Wenger Oo Tilmaamay Kulankii Haatanba Go’aamiyay Horyaalka Premier League.

Tababarihii halyeeyga ahaa ee Arsène Wenger ayaa sheegay in guushii 1-0 ahayd ee Arsenal ka gaartay West Ham United ay suuragal tahay inay go’aamisay cidda ku guuleysan doonta horyaalka Premier League.

Gunners-ka ayaa guul ciriiri ah ka gaaray garoonka London Stadium, kadib gool dambe oo uu dhaliyay Leandro Trossard.

Iyadoo Arsenal ay ciyaartay kulan ka badan, kooxda uu hoggaamiyo Mikel Arteta waxay shan dhibcood ka sarreeyaan Manchester City.

Wenger oo la hadlayay beinSPORTS ayaa ammaanay adkeysiga iyo difaaca adag ee Arsenal.

Wuxuu yiri:“Waxay ahayd ciyaar adag, dhammaadkiina aad bay u kacsaneyd.”

“Mar kale, difaaca ayaa shaqadiisa qabsaday sida inta badan dhacda.”

“Tani waxay noqon kartaa ciyaartii go’aamisay horyaalka.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga