Kooxda Liverpool ayaa lagu saadaaliyay inay magacaabi karto tababare “lama filaan ah” oo beddela tababaraha hadda jooga Arne Slot sababo saddex ah dartood.
Slot ayaa si tartiib tartiib ah u lumiyay taageerada taageerayaasha xilli ciyaareedkan kadib qaab ciyaareed aan soo jiidasho lahayn iyo natiijooyin liita, iyadoo taageerayaasha Anfield ay ka caroodeen intii lagu jiray barbarihii niyad-jabka lahaa ee 1-1 ay la galeen Chelsea sabtidii.
Inkasta oo Liverpool ay wali u muuqato inay xaqiijisan doonto u soo bixitaanka Champions League, tababaraha reer Holland ayaa laga yaabaa inuu sii joogo shaqada wixii ka dambeeya xilli ciyaareedkan. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira baaqyo badan oo ku aaddan in kooxda ay soo magacowdo halyeeyga kooxda Xabi Alonso.
falanqeeyaha kubadda cagta Tony Cascarino ayaa magacaabay tababaraha baxaya ee AFC Bournemouth, Andoni Iraola, inuu noqon karo beddel “lama filaan ah” oo loo magacaabo Slot, sababo la xiriira taageerayaasha Anfield oo sii kordhinaya carohooda iyo laba sababood oo kale.
Cascarino ayaa u sheegay talkSPORT:“Cambaareynta iyo foodhida ayaa hadda si joogto ah uga dhacaya Liverpool. Waxaan rabaa in Arne Slot uu gaaro dhammaadka xilli ciyaareedka kadibna Liverpool ay go’aan gaarto”
“Waan ka walwalsanahay sababtoo ah xaaladdu ma fiicna.”
Markii uu ka hadlayay Iraola, Cascarino wuxuu sharaxay sababta uu u Bournemouth u yahay dookh wanaagsan”.
Wuxuu yiri: “Waxay u badan tahay in loo soo bandhigay shaqo ka wanaagsan. Waa sida marka aad ciyaaryahan tahay. Haddii aad si fiican uga ciyaarto koox sida Bournemouth, sida Semenyo ama ciyaartoy kale, kooxaha waaweyn ayaa kuu soo dhacaya oo ku qaadanaya.”
Cascarino ayaa sidoo kale aaminsan in shaqada weyn ee Andoni Iraola uu ka qabtay AFC Bournemouth iyo xiriirka uu la leeyahay agaasimaha ciyaaraha ee Liverpool, Richard Hughes, ay u horseedi karto inuu u wareego Anfield.
“Isaga ayaa keenay Bournemouth, haddana wuxuu joogaa Liverpool,” ayuu sii raaciyay Tony Cascarino.
“Isaga ayaa waday wada-xaajoodkaas. halkaas ayuu joogay. Kubadda cagta waxaad ku leedahay xiriirro iyo dad aad la shaqeyso”
“Wuxuu la macaamilay wakiilka. Wuxuu la soo shaqeeyay isaga. Hadda waxaan isku darayaa laba iyo laba oo waxaan ka dhigayaa afar, laakiin ma aha wax aan macquul ahayn in koox sida Liverpool ay eegto isaga. Shaqo cajiib ah ayuu ka qabtay AFC Bournemouth.”
Be the first to comment