Ian Wright Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysiga Premier League Kadib Guushii Man City ee Burnley.

Weeraryahankii hore ee England, Ian Wright, ayaa taageeray Arsenal inay ku guuleysan doonto horyaalka Premier League, inkastoo ay hadda ku jiraan kaalinta labaad.

Wright wuxuu aaminsan yahay in Gunners ay haystaan wax ku filan oo ay ku qaadaan koobka, xitaa haddii ay noqoto xaalad ay si dhib yar uga gudbaan xariiqda dhammaadka.

Kooxda uu tababaro Mikel Arteta waxay galayaan toddobaadkan dhammaadkiisa iyagoo ka dambeeya Manchester City, kuwaas oo 1-0 kaga adkaaday Burnley habeenkii Arbacada.

Si kastaba, City waxay ka horreeyaan oo keliya tirada goolasha la dhaliyay, maadaama labada koox ay isku dhibco iyo isku farqi goolal ah leeyihiin.

Isagoo ka hadlayay barnaamijka Stick to Football, Wright wuxuu yiri:“Anigu waxaan dooranayaa: annaga ayaa ku guuleysan doona horyaalka”

“Fursadaha aan ka abuurnay kulankii Manchester City, waxaan u maleynayaa inaan sidaas oo kale sameyn karno kulamada soo socda. Dabcan waa inaan noqonaa kuwo aad uga waxtar badan marka aan fursadaha ka faa’iideysaneyno”

“Laakiin ka hor kulankaas, ma aanan arkin inaan abuureyno fursado ku filan kulamadii ka horreeyay, xilli aan taariikh ahaan ku daciifno marxaladdan xilli ciyaareedka”

“Kulankii Man City, oo ahaa kulan weyn, waxaan abuurnay fursado ku filan. Haddii aan sidaas oo kale sameyno kulamada kale, isla markaana aan dib ugu laabanno difaac adag oo aan hore u lahayn, oo aan si fiican u dhameystirno fursadaha, waan sameyn karnaa”

“Bilowgii xilli ciyaareedka waxaan ku bilaabanay si xoog leh, dadkuna waxay lahaayeen ‘Arsenal ayaa qaadi doonta’, sababtoo ah waxaan u ekaaneyn kuwo aan qalad lahayn”

“Hadda qof walba wuu liicayaa, kulanka City-na waxaan u maleynayay inaan sameynay wax ku filan. Haddii aan sidaas u ciyaarno, xitaa haddii ay noqoto inaan si dhib yar uga gudubno xariiqda, waan ku guuleysan karnaa”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga