Erling Haaland ayaa aaminsan inuu ka badbaadiyay difaaca Gabriel Magalhães kaarka cas intii lagu jiray guushii Manchester City ka gaartay kooxda ay ku loolamayaan horyaalka.
Weeraryahanka reer Norway ayaa dhaliyay goolka daqiiqaddii 65-aad, kaas oo ugu dambeyn noqday goolka farqiga keenay, iyadoo kooxda Pep Guardiola ay gaartay guul muhiim ah oo saameyn ku yeelan karta tartanka adag ee hanashada horyaalka.
Kadib markii Kai Havertz uu bar-bareeyay goolkii furitaanka ee Rayan Cherki, Haaland ayaa gooldhaliyaha ugu muhiimsan ee City – kaas oo si dhow shabaqa ugu taabtay kubadda, una xaqiijiyay saddex dhibcood oo aad muhiim u ah.
Haaland ayaa ka adkaaday Gabriel daqiiqaddaas, waxaana mar kale dhex maray isqabqabsi markii weeraryahanka City funaanaddiisa uu jiiday difaaca reer Brazil.
Labada ciyaaryahan ayaa mar kale isku dhacay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta, markaas oo kadib iska horimaad jireed oo kale, Gabriel Magalhães uu xanaaqay isla markaana sameeyay dhaqaaq u eg inuu madaxa ku dhufto Erling Haaland.
Nasiib wanaag difaaca laf-dhabarta u ah Arsenal, Erling Haaland ma uusan buunbuunin dhacdada, taas oo si fudud u keeni lahayd ganaax saddex kulan ah oo ku saabsan fal rabshado leh.
VAR ayaa go’aamisay in Gabriel Magalhães uusan muujin xoog xad-dhaaf ah, balse Haaland wuxuu ku dooday in haddii aad ah uga falcelin lahaa, go’aanka laga yaabo inuu gebi ahaanba ka duwanaan lahaa.
Erling Haaland ayaa yiri:
“Haddii aan dhulka isku tuuri lahaa meeshaas — taas oo aanan sameyn doonin ilaa qof si dhab ah ii weeraro — waxaan u maleynayaa in laga yaabo inuu noqdo kaar cas, laakiin si dhab ah uma hubo”
“Runtii si fiican uma aanan arkin xaaladda, balse sida ay tahay ayey tahay. Si fudud dhulka iskuma tuuro sidan oo kale, markaa kaarka jaalaha ah ee aniga la i siiyay ma fahmin sababta; isaga ayuu ii soo dhowaaday wajigeyga, sidaas ayeyna tahay.”
Wuxuu intaas ku daray:
“Waxaan u maleynayaa in arrimahan mar walba sidan oo kale yihiin — dagaal badan iyo isku dhacyo. Waxaa dadka kale u yaalla inay go’aamiyaan haddii aan ku guuleystay dagaalkaas iyo in kale.”
Be the first to comment