Cole Palmer Oo Afka Furtay Kana Hadlay Wararka La Xidhiidhinaya Man United

Cole Palmer ayaa si cad u beeniyay wararka sheegaya inuu ka tagayo Chelsea xagaagan una wareegayo Manchester United.

Ciyaaryahankan 23-jirka ah, oo Chelsea kaga soo biiray Manchester City sanadkii 2023 heshiis ku kacayay £40 milyan, ayaa sheegay inuusan qorsheynin inuu baxo, inkastoo ay jireen warar sheegaya inuu ku qanacsanayn xaaladda kooxda.

Isagoo la hadlay wargeyska The Guardian, Palmer wuxuu caddeeyay inuu sii joogi doono Stamford Bridge, isla markaana uu aaminsan yahay in Chelsea ay tartan dhab ah u geli karto koobab waaweyn xilli ciyaareedka soo socda.

Wuxuu xusay in guusha mustaqbalka ay ku xirnaan doonto haddii kooxda ay keento “ciyaartoy sax ah oo ku habboon boosaska saxda ah” inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.

Haatan, Chelsea waxay ku jirtaa kaalinta lixaad ee Premier League, iyadoo afar dhibcood ka dambeysa Liverpool oo ku jirta kaalinta shanaad.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga