Tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, ayaa sheegay in kooxdiisu aysan u ciyaari doonin barbaro marka ay la kulmaan Manchester City Axadda.
Labada koox ee ugu sarreeya Premier League ayaa toddobaadkan isku arkaya garoonka Etihad Stadium.
Kooxda Arteta ayaa kulanka galaysa iyadoo lix dhibcood ka sarreysa hoggaanka horyaalka, inkastoo ay ciyaartay hal kulan oo dheeraad ah.
Tababaraha reer Spain ayaa ku adkaystay inaysan xitaa ka fikiri doonin difaac buuxa (parking the bus), inkastoo barbaro ay si weyn u xoojin lahayd rajadooda hanashada horyaalka.
Arteta wuxuu yiri:“Waxaan rabnaa inaan badino kulanka. Waxaan u joognaa inaan badino. Xitaa kama aynaan hadlin arrintaas [barbaro]. Waa inaan badinaa kulanka.”
“Waxaan isu diyaarinaynaa inaan badino. Ma jiri doonto wax farqi ah marka loo eego garoomadii aan booqanay shantii sano ee la soo dhaafay. Wax isbeddel ah ma jiro.”
Be the first to comment