Bayern Munich Mise PSG? Martin Keown Oo Doortay Kooxda Uu Doonayo In Ay Arsenal La Ciyaarto Final-ka Champions League.

Ciyaaryahankii hore ee Arsenal, Martin Keown, ayaa taageeray kooxdiisii hore inay gaarto final-ka UEFA Champions League, wuxuuna sheegay inuu jeclaan lahaa inay ka fogaadaan kooxda difaacanaysa horyaalka ee Paris Saint-Germain.

Kooxda hogaamineysa Premier League ee uu maamulo Mikel Arteta ayaa wajahaysa kooxda weyn ee Spain ee Atletico Madrid wareegga semi-finalka, kadib markii ay ka soo gudbeen Sporting CP wareegga quarter-finalka.

Goolkii waqtiga dhimashada ee Kai Havertz ayaa kala saaray labada koox lugtii hore ee Lisbon, halka Arsenal ay barbaro goolal la’aan ah kula gashay Sporting garoonka Emirates si ay ugu gudubto wareegga xiga.

Ma ahayn bandhig aad u qancinaya oo ka yimid Arsenal, kuwaas oo dhowr toddobaad ka hor u muuqday inay u tartamayaan guul taariikhi ah oo afar koob ah, balse hadda ka haray labada koob ee gudaha dalka, isla markaana siiyeen Manchester City rajo ay dib ugu soo laaban karaan tartanka horyaalka.

Arsenal ayaa wajahaya Atletico Madrid si ay u gaaraan final-ka Champions League, kadib markii kooxda uu hoggaamiyo Diego Simeone ay 3-2 ku garaacday Barcelona wadar ahaan (labada lugood).

Dhanka kale ee isku aadka, kooxda difaacanaysa horyaalka ee PSG ayaa sii wada tartankeeda, iyadoo la ciyaaraysa horyaalka Germany ee Bayern Munich.

Martin Keown ayaa aaminsan in Arsenal ay ka adkaan doonto Atletico si ay u gaarto final-keedii ugu horreeyay ee Champions League tan iyo 2006, wuxuuna sheegay inuu doorbidi lahaa in ay la ciyaaraan Bayern Munich halkii ay ka ciyaari lahaayeen PSG kulanka kama dambaysta ah ee la qorsheeyay 30-ka May.

Markii la weydiiyay saadaashiisa ku saabsan labada koox ee gaari doona final-ka Champions League, Keown ayaa u sheegay TNT Sports:

“Way adag tahay in la saadaaliyo.“Waxaan dooranayaa Bayern inay kasoo baxdo dhinacaas isku aadka. Final-kuna ha noqdo Arsenal iyo Bayern”

“Hore ayaan u aragnay in Arsenal ay garaaci karto Bayern Munich, laakiin Bayern hadda waxay sii kordhinaysaa awooddeeda oo si fiican ayay u socotaa.”

“Si kastaba ha ahaatee, weli waxaan doorbidayaa in Arsenal ay la ciyaarto Bayern, sababtoo ah xawaaraha PSG waa mid waali ah (aad u sarreeya).”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga