Alan Shearer Oo Saadaaliyay Kulamada Premier League Todobaadkan, Muxuu U Saadaaliyay Arsenal Vs Man City.

Weeraryahankii hore ee Newcastle United, Alan Shearer, ayaa saadaaliyay qaar ka mid ah kulamada toddobaadka 33-aad ee Premier League ee la ciyaari doono usbuucan.

Waxaa jiri doona kulamo waaweyn, iyadoo safarka Arsenal ee ay ku wajahayaan Manchester City uu yahay kulanka ugu weyn.

Sidoo kale, Chelsea ayaa martigelin doonta Manchester United kulan kale oo culus.

Axadda, Liverpool ayaa isku dayi doonta inay ka soo kabato ka harista UEFA Champions League marka ay la ciyaarayaan Everton kulanka loo yaqaan Merseyside Derby.

Shearer ayaa u sheegay Betfair:

  • “Chelsea vs Manchester United: Saadaal – Chelsea ayaa badinaysa.
  • Everton vs Liverpool: Saadaal – Barbaro.
  • Manchester City vs Arsenal: Saadaal – Manchester City ayaa badinaysa.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga