WARBIXIN: 3 Kooxood Oo La Saxiixan Kara Bernardo Silva

Bernardo Silva ayaa si rasmi ah u shaaciyay inuu ka tagayo Manchester City marka qandaraaskiisu dhamaado xilli ciyaareedkan, taasoo soo afjaraysa 9 sano oo guulo badan leh oo uu ku qaatay Etihad Stadium.

Silva (31 jir) ayaa noqday halyeey ka tirsan City, isagoo door weyn ka qaatay xilligii dahabiga ahaa ee uu hoggaaminayay Pep Guardiola.

Wuxuu noqday ciyaaryahanka ugu safashada badan ee City xilligii Guardiola (450 kulan), tan iyo markii uu kaga soo biiray AS Monaco sanadkii 2017, isagoo dhaliyay 76 gool isla markaana bixiyay 77 caawin (assists).

Ciyaaryahanka xulka Portugal (107 kulan) ayaa ku guuleystay 19 koob oo uu la qaaday City, oo ay ku jiraan:

  • 6 Premier League
  • 2 FA Cup
  • 5 EFL Cup
  • 1 UEFA Champions League (xilli ciyaareedkii taariikhiga ahaa ee treble 2022/23)

Bishii la soo dhaafay, Silva ayaa kabtan ahaan ku qaaday koobkiisii ugu horreeyay ee City kadib markii ay 2-0 kaga adkaadeen Arsenal finalka EFL Cup ee Wembley.

Mustaqbalkiisa – Halkee ayuu tegi karaa?

Waxaa jira saddex kooxood oo si weyn loola xiriirinayo:

  • FC Barcelona – Doorashada uu ugu jecel yahay, isagoo doonaya inuu isku tijaabiyo La Liga
  • Juventus – Koox xiisaynaysa oo la xiriirtay wakiilkiisa
  • Benfica – Kooxdii uu kasoo baxay, suurtagal inuu ku laabto si uu u dhammeystiro riyadiisa

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga