Hugo Ekitike: Waxan Noqon Karaa Weeraryayanka Ugu fiican, Halkan Ciyaartoy Ayaa Ah Macalinkayga.

Weeraryahanka Hugo Ekitike ee Liverpool F.C. ayaa sheegay in waqtigii uu joogay Paris Saint‑Germain F.C. uu ahaa waayo-aragnimo waxbarasho oo weyn.

Intii uu PSG joogay, Ekitike wuxuu la wadaagay qolka labiska ciyaartoy waaweyn sida Lionel Messi, Neymar iyo Kylian Mbappé.

Wuxuu u sheegay TNT Sports:“Runtii ma qarin karo, way igu adkayd inaan garoonka galo oo aan sameeyo wixii ay iyagu sameynayeen isla heerkaas. Waxaan u maleynayaa inaanan wali gaarin heerkaas. Laakiin waxay ahayd fursad aan wax ku barto garoonka dhexdiisa, tababar ahaan iyo ciyaar ahaanba, waxaana arkay waxyaabo badan oo cajiib ah.”

Markii laga weydiiyay sida ay ahayd inuu la ciyaaro Messi, Ekitike wuxuu yiri:

“Ma aha oo kaliya xirfadaha. Waxaan ka bartay sida loo dhaqaaqo adigoon kubbad haysan, sida loo dhaqaajiyo kubbadda, sida loo dhaliyo goolal, iyo kalsoonida ciyaarta dhexdeeda. Markaan dib u fiiriyo, waqtigaygii PSG ma ahayn mid fiican aniga, laakiin waxaan u maleynayaa in xilligaas uu ahaa wixii aan u baahnaa. Wax badan ayaan bartay, aad ayaan ugu mahadcelinayaa inaan la joogay ciyaartoy sidaas u wanaagsan. Waa xusuus weyn oo aan gurigayga ku sudhi karo, sababtoo ah waxaan la ciyaaray ciyaaryahanka ugu fiican taariikhda kubadda cagta (Messi). Waxay ahayd wax fiican.”

Markii la weydiiyay haddii uu mustaqbalka noqon karo ciyaaryahanka ugu fiican adduunka, Ekitike wuxuu muujiyay kalsooni.

Wuxuu yiri:“Waxaan u maleynayaa inaan noqon karo. Weli waxaa jira meel aan ku horumariyo, waa inaan shaqeeyo oo aan sii koro, laakiin hadda waxaan joogaa halkii aan rabay inaan gaaro. Marka aan iraahdo waxba kama baqo, waxaan ula jeedaa cadaadiska kama baqo. Dadku waxay iga filayaan wax badan, aniguna waan jeclahay taas”

“Aad bay ii xiiso gelinaysaa inaan halkan joogo, inaan ciyaaro kulamo waaweyn iyo tartamo waaweyn. Mar walba waxaan rabay inaan joogo heerkaas oo aan u ciyaaro koox weyn.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga