Jamie Carragher Oo Farta Ku Fiiqay Xiddigii Sababta U Ahaa Guuldaradii Soo Gaadhay Chelsea.

Daaficii hore ee Liverpool, Jamie Carragher, ayaa sheegay in Chelsea aysan si dhab ah u tartami karin ilaa ay hagaajiyaan booska goolhayaha.

Carragher ayaa ka falcelinayay guuldarradii 5-2 ee ay Chelsea kala kulantay Paris Saint-Germain kulankii lugta koowaad ee wareegga 16-ka ee UEFA Champions League habeenkii Arbacada.

Ciyaartu waxay maraysay 2-2 markii qalad uu sameeyay goolhayaha Filip Jorgensen uu sababay in PSG ay gool ku dhaliso ciyaaryahanka Vitinha.

Tababaraha Chelsea Liam Rosenior ayaa doorbiday Jorgensen halkii uu ka dooran lahaa Robert Sánchez, balse Carragher ayaa ku adkaystay in Chelsea ay raadsato xal cusub oo goolhayaha ah.

Carragher ayaa u sheegay CBS Sports:“Chelsea ma aysan mudnayn inay ku guuldarreysato 5-2, laakiin iyaga qudhooda ayaa sabab u ah”

“Waxaan Chelsea si joogto ah u dhaliilayay muddo dheer. Ma horumarayaan ilaa ay xalliyaan booska goolhayaha. Arrintan waan sheegayay marar badan.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga