Tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, ayaa helay war wanaagsan oo ku saabsan saddex ciyaaryahan oo dhaawac ka soo kabanaya, iyadoo kooxda ay isku diyaarinayso kulanka lugta hore ee wareegga 16-ka ee UEFA Champions League oo ay la ciyaarayaan Bayer Leverkusen.
Saddexda ciyaaryahan ee William Saliba, Leandro Trossard iyo Riccardo Calafiori ayaa lagu arkay tababarka subaxnimadii Talaadada.
Saliba ayaa ka maqnaa labadii kulan ee ugu dambeeyay ee Gunners ay la ciyaartay Brighton & Hove Albion iyo Mansfield Town.
Daafaca reer France ayaa dhaawac canqowga ah ka soo gaaray guushii 2-1 ee ay ka gaareen Chelsea.
Dhanka kale, Riccardo Calafiori iyo Leandro Trossard ayaa dhaawac yar la baxay intii lagu jiray guushii 2-1 ee Mansfield wareegga shanaad ee FA Cup.
Si kastaba, kabtanka Martin Odegaard iyo daafaca Ben White laguma arag tababarka kooxda.
Be the first to comment