Weeraryahanka Real Madrid, Vinícius Júnior, ayaa digniin u diray kooxda Manchester City ka hor kulanka toddobaadkan ee UEFA Champions League.
Kadib markii uu si fiican uga ciyaaray guushii ay ka gaareen Celta Vigo, Vinícius ayaa hadda isku diyaarinaya lugta koowaad ee wareegga 16-ka ee ay la ciyaarayaan Manchester City.
Vinícius wuxuu yiri:“Waxaan dareemayaa inaan ku jiro qaab ciyaareedkii ugu fiicnaa nolosheyda”
Maalin kasta si adag ayaan ula shaqeeyaa tababarayaasha iyo saaxiibadeyda si aan u ilaaliyo heerkan. Waxaan dareemayaa kalsooni marka aan goolka hor taaganahay, sidoo kale waxaan awood u leeyahay inaan kooxda ka caawiyo difaac iyo weerar labadaba.”
Wuxuu intaas ku daray:“Wax yar ayaan daalay kulankan, sababtoo ah maalmahan dambe ciyaaro badan ayaan ciyaaray. Laakiin mar walba waa inaad diyaar ahaataa”
“Waxaan u baahanahay inaan soo bandhigno nooca ugu fiican ee ciyaarteena marka aan la ciyaarayno City. Taageerada qof walba ayaan u baahanahay”
Be the first to comment