Laacibkii hore ee khadka dhexe ee Chelsea, Joe Cole, ayaa saadaaliyay in final-ka UEFA Champions League xilli-ciyaareedkan uu dhex mari doono Arsenal iyo Manchester City.
Gunners-ka ayaa ilaa hadda aad u fiicnaa, iyagoo guuleystay dhammaan kulamadooda, waxayna wajihi doonaan Bayer Leverkusen wareegga 16-ka.
Dhanka kale, kooxda uu hoggaamiyo Pep Guardiola ayaa la siiyay isku aad adag, iyagoo laba lugood la ciyaari doona Real Madrid.
Inkasta oo Cole uu dareemayo in Arsenal ay leedahay waddo sahlan, haddana si buuxda uguma kalsoona fursadaha City.
“Waxaan u maleynayaa inay noqon doonto final u dhexeeya Arsenal iyo Manchester City,” ayuu Cole ku yiri podcast-ka The Dressing Room”
“Saadaashayda kaliya waa Arsenal inay gaarto final-ka”
“Laakiin Manchester City weli lama hubo, sababtoo ah waxaa jira kooxo badan oo aad u xooggan.”
Be the first to comment