Arsenal Oo Saddex Rikoodh Samaysay Kadib Guushii Chelsea

Arsenal ayaa Axaddii sameeyay saddex rikoor kadib markii ay 2-1 kaga adkaadeen Chelsea kulan ka tirsanaa Premier League oo lagu ciyaaray garoonka Emirates Stadium.

Kooxda Gunners ayaa ku garaacday Blues garoonkooda, waxaana goolasha u dhaliyay William Saliba iyo Jurrien Timber.

Sida ay sheegtay shirkadda tirakoobka ee OptaJoe, guusha ay ka gaareen Chelsea waxay ahayd markii sagaalaad xilli ciyaareedkan Premier League oo Arsenal ay ka dhaliso gool guusha keenay kubbad koorno (corner) laga soo tuuray — taasoo ka dhigeysa rikoor cusub oo ay hal koox sameyso hal xilli ciyaareed gudaheed.

Taas micnaheedu waa in kooxda Mikel Arteta ay dhaaftay rikoor hore oo ay hayeen Manchester United, kuwaasoo sideed (8) gool oo noocaas ah dhaliyay xilli ciyaareedkii 2012-13.

Sidoo kale, 16-ka gool ee Arsenal ka dhalisay koornooyinka Premier League xilli ciyaareedkan waa tirada ugu badan ee ay gaarto koox hal xilli ciyaareed gudaheed, iyagoo barbaro la ah:

Oldham Athletic (1992-93)

West Bromwich Albion (2016-17)

Arsenal lafteeda (2023-24)

Ugu dambeyn, guusha ay ka gaareen Chelsea waxay ka dhigan tahay in Arsenal ay 1-0 ku hormartay kubbad koorno laga dhaliyay sagaal jeer xilli ciyaareedkan — taasoo la mid ah rikoor ay hore u dhigtay Southampton xilli ciyaareedkii 1994-95.

Kulanka xiga ee Arsenal waa mid ay la ciyaari doonaan Brighton & Hove Albion Arbacada, kulan ka tirsan Premier League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga