Tababaraha Manchester City, Pep Guardiola, ayaa diiday hadallada sheegaya in Arsenal loo fududeeyay waddo sahlan oo ay ku gaari karto final-ka Champions League.
Arrintan waxay timid kadib markii la soo gabagabeeyay isku aadka wareegga 16-ka, afar-dhamaadka (quarter-final) iyo semi-final-ka maalintii Jimcaha.
Kooxda uu hoggaamiyo Mikel Arteta ayaa wajihi doonta Bayer Leverkusen, haddii ay ka adkaadaan kooxda Bundesliga, waxay la ciyaari doonaan midkood Bodo/Glimt ama Sporting.
Dhinaca kale ee isku aadka, Manchester City ayaa mar kale la ciyaari doonta Real Madrid, sanadkii shanaad oo xiriir ah.
Haddii kooxda Guardiola ay ka adkaato Los Blancos, waxay u badan tahay inay la kulmaan Bayern Munich wareegga afar-dhamaadka.
Markii la weydiiyay in dhinaca isku aadka ee Arsenal uu ka sahlan yahay kan City, Guardiola wuxuu yiri:
“Taasi waxay noqon lahayd ixtiraam darro.
“Tusaale ahaan, Newcastle, Barcelona – waa kooxo waa weyn. Atletico Madrid ama Spurs.
“Ma dhahayo Madrid ma aha koox adag, qof walba wuu ogyahay.
“Haddii aad rabto inaad ka gudubto tartankan hadda, waa inaad ka adkaataa kooxaha ugu fiican, haddii kale uma qalantid.”
Be the first to comment