Arsenal Vs Man City: Wakhtiga La Ciyaari Doono Final-ka Carabao Cup

Manchester City ayaa wajihi doonta Arsenal finalka Carabao Cup ee xilli-ciyaareedkan.

Kooxda Pep Guardiola ayaa xaqiijisay booskeeda finalka kaddib markii ay 3–1 si culus ugu garaacday Newcastle United habeenkii Arbacada.

City ayaa horay u haysatay faa’iido 2–0 ah kahor lugtii labaad ee lagu ciyaaray Etihad Stadium.

kooxda Martida loo ahaa ayaa si degdeg ah u soo afjaray rajadii Newcastle qeybtii hore ee ciyaarta, kaddib labo gool oo isku xiga oo uu dhaliyay Omar Marmoush.

Tijjani Reijnders ayaa ku daray goolka saddexaad ka hor nasashada, taasoo ka dhigtay in ka haritaanka Newcastle uu noqdo mid ku dhowaad la hubiyay.

Gool qurux badan oo uu kaligiis sameeyay Anthony Elanga ayaa ahaa keliya wax yar oo qalbi-qaboojin ah oo ay heleen Magpies-ka.

City ayaa hadda Wembley kula balansan Arsenal March 22, si ay ugu dagaallamaan koobkii ugu horreeyay ee xilli-ciyaareedkan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga