Waa Maxay Sababtii Uu Bukayo Saka Ku Seegay Kulankii Arsenal Ka Badisay Leeds United.

Bukayo Saka ayaa daqiiqaddii ugu dambeysay looga saaray kulankii Premier League ee Arsenal ay la ciyaartay Leeds United, kaddib markii uu dhaawac ku galay intii lagu jiray kululaynta (warm-up).

Saka waxaa la nasiyay bartamihii toddobaadka kulankii Champions League ee ay la ciyaareen Kairat, balse wuxuu ku soo laabtay safka bilowga Arsenal kulanka Elland Road.

Saka ayaa doonayay in uu kooxdiisa ka caawiyo in ay guul gaadho laakiin waxa laga saaray shaxda Rasmiga ah kadib dhaawacii soo gaadhay.

Xiddiga ayaa la arkay isaga oo si toos ah u aaday qolka labiska iyada oo uu wehelinayo mid ka mid ah dhakhaatiirta kooxda.

Christian Norgaard, oo markii hore aan lagu darin liiska ciyaartoyda Arsenal ee kulanka, ayaa loo soo wareejiyay kursiga keydka si uu u beddelo Saka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga