Michael Carrick ayaa doonaya inuu Marcus Rashford dib ugu soo celiyo Manchester United, haddii isaga loo magacaabo tababaraha rasmiga ah ee xiga ee kooxda.
Carrick ayaa dhowr toddobaad ka hor si ku-meelgaar ah ula wareegay hoggaanka Manchester United ilaa dhammaadka xilli-ciyaareedka, kaddib markii maamulka club-ku ay shaqada ka ceyriyeen tababarihii hore, Ruben Amorim.
Dhanka kale, Rashford wuxuu xilli-ciyaareedkan ku qaadanayaa amaah uu kula joogo Barcelona, iyadoo heshiiska amaahda uu ku jiro qodob u oggolaanaya kooxda Catalan-ka inay si rasmi ah u iibsato ciyaaryahanka, lacag ku dhow 35 milyan oo euro ah.
Xiddiga reer England ayaa soo bandhigay heerar fiican isagoo xiran funaanadda Barcelona inta lagu jiro xilli-ciyaareedkan, hase yeeshee maamulka kooxda weli kama aysan gaarin go’aan kama dambeys ah oo ku saabsan inay dhaqaajiyaan ama ay ka laabtaan ikhtiyaarka iibka.
Rashford ayaa xilli-ciyaareedkan la ciyaaray Barcelona 31 kulan dhammaan tartamada kala duwan, isagoo dhaliyay 9 gool isla markaana sameeyay 12 caawin.
Be the first to comment