Arsenal Mise Man City? Ilkay Gundogan Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Premier League.

Xiddiga khadka dhexe ee Galatasaray, Ilkay Gundogan, ayaa saadaaliyay in Manchester City ay ka qaadi doonto Arsenal horyaalka Premier League xilli-ciyaareedkan.

Gundogan wuxuu aaminsan yahay in kooxda Pep Guardiola ay hadda haysato xilliga saxda ah ee ay ku bilaabi karto guulo xiriir ah oo dheer.

Wuxuu hadalkan sheegay kaddib guushii Manchester City ay ka gaartay Galatasaray kulan ka tirsanaa Champions League bartamihii toddobaadka.

Arsenal ayaa hadda afar dhibcood ka sarreysa City miiska Premier League, kaddib markii ay 3–2 guuldarro kala kulmeen Manchester United kulankii ka dhacay garoonka Emirates dhammaadkii toddobaadka hore.

Markii la weydiiyay haddii City ay Arsenal ka qaadi doonto horyaalka xilli-ciyaareedkan, Gundogan wuxuu Metro UK u sheegay: “Waxaan u maleynayaa haa.

“Waxay hadda haystaan xamaasad (momentum) xooggan, taariikhduna mar walba waxay muujisay in marka ay helaan xamaasaddaas, ay aad u adkaato in wax natiijo ah laga helo kulamada lagula ciyaaro.

“Hadda waxay u dhaqaaqi karaan silsilad guulo ah oo dheer,” ayuu yiri.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga