Salah Oo isha Ku Haya Rikoodh Taariikhi Ah Kulanka Newcastle.

Xiddiga reer Masar Mohamed Salah ayaa sugaya fursad uu kaga geli karo taariikhda Premier League albaabada ugu waaweyn, marka Liverpool ay la kulanto Newcastle, maadaama uu u baahan yahay hal caawin (assist) oo keliya si uu u noqdo ciyaaryahankii ugu horreeyay ee taariikhda tartanka ka dhaliya 10 gool isla markaana ka sameeya 10 caawin hal koox oo kaliya.

Salah wuxuu leeyahay rikoor cajiib ah marka uu la ciyaaro Newcastle, isagoo ka hortagay 18 kulan oo Premier League ah, kuna guuleystay inuu dhaliyo 10 gool isla markaana sameeyo 9 caawin, taasoo ka dhigan inuu hal caawin oo kale u baahanyahay si u dhigo rikoodhkaas cajiibka ah.

Newcastle waa mid ka mid ah kooxaha sida weyn u dhibtooday Salah tan iyo markii uu ku biiray Liverpool, maadaama uu had iyo jeer khatar joogto ah ku ahaa daafacyadooda xawaarahiisa iyo kartidiisa go’aaminta daqiiqadaha muhiimka ah, ha ahaato goolal ama caawin uu siiyo saaxiibbadiisa.

Taageerayaasha “Anfield” ayaa rajaynaya in xiddiga reer Masar uu ku guuleysto jabinta rikoorkan kulanka soo socda, si uu u sii wado qorista taariikhda isagoo xiran funaanadda Liverpool, isla markaana u xaqiijiyo booskiisa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu waaweyn ee abid soo mara Premier League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga