Shaxda Ay Liverpool Kaga Hor Tagi Karto Newcastle.

Liverpool waxay kusoo dhaweyn doontaa Ibrahima Konate inuu dib ugu soo laabto kooxda kulankooda Premier League ee ay Sabtida la ciyaarayaan Newcastle.

Xiddiga reer France ayaa seegay saddexdii kulan ee ugu dambeeyay kaddib markii aabbihii geeriyooday, balse Arne Slot ayaa xaqiijiyay in daafaca dhexe uu dib ugu soo laabtay tababarka isla markaana uu diyaar u yahay in lagu soo xusho safka.

Curtis Jones isna wuu soo laaban doonaa kaddib markii uu seegay kulankii Qarabag bartamihii toddobaadka sababo la xiriira xanuun.

Si kastaba ha ahaatee, Joe Gomez, oo dhaawac awgiis looga saaray kulankii ay guuldarada kala kulantay Bournemouth ayaa seegaya kulanka maadama uuna wali ka soo kabsan dhaawacii uu uga baxay kulankaas.

Jeremie Frimpong ayaa garoonka ka baxay isagoo dhaawac ku dhacay shantii daqiiqo ee ugu horreeyay habeenkii Arbacada, mana ka qayb qaadan doono kulanka Newcastle, inkastoo dhaawaciisu uusan ahayn mid sida hore loo cabsi qabay u daran.

Iyadoo uusan jirin daafac midig oo waayo-arag ah oo la heli karo, waxaa suurtagal ah in Dominik Szoboszlai ama Curtis Jones loo xil saaro inay buuxiyaan booskaas, ilaa ay ka noqoto haddii Slot uu si lama filaan ah fursad ugu bilaabin Calvin Ramsay.

Shaxda ay Liverpool kaga hor tagi karto Newcastle:

Alisson; Szoboszlai, Konate, Van Djik, Kerkez; Mac Allister, Gravenberch; Salah, Wirtz, Gakpo; Ekitike

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga