Isku Aadka Kulamada Kala Baxa Champions League Oo La Soo Saaray.

UEFA ayaa soo saartay isku aadka kulamada kala baxa ah ee champions League iyada oo kulamo xiiso leh ka soo bexeen.

Kooxda Real Madrid ayaa ku aaday kooxda Benfica oo sabab u ahayd in ay Real Madrid si toos ah ugu soo bixi waydo wareega 16-ka champions League.

Dhinaca kale kooxda PSG ayaa la ciyaari doonta kooxda ay isku dalka yihiin ee Monaco kulan xiiso weyn yeelan doona.

Sidoo kale Juventus ayaa la ciyaari doonta kooxda Galatasaray halka ay Inter la ciyaari doonto Bodo/Glimt.

Monaco vs PSG
Benfica vs Real Madrid
Qarabag vs Newcastle
Galatasaray vs Juventus
Borussia Dortmund vs Atalanta
Club Brugge vs Atletico Madrid
Bodø/Glimt vs Inter
Olympiacos vs Bayer Leverkusen

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga