Virgil Van Dijk Oo Taariikh Ka Sameeyay Champions League.

Liverpool waxay si fudud 6–0 ugu garaacday Qarabag garoonka Anfield, iyadoo Virgil van Dijk uu door weyn ka qaatay kulankaas taariikhiga ah.

Difaaca reer Netherlands ayaa noqday daaficii dhexe ee ugu horreeyay taariikhda Champions League ee sameeya saddex caawin  hal kulan gudaheed.

Saddexda caawin ee Van Dijk kulanka waxay u kala yimaadeen:

  • Alexis Mac Allister – goolka furitaanka daqiiqaddii 15aad

  • Hugo Ekitike – goolka afraad ee Liverpool daqiiqaddii 57aad

  • Federico Chiesa – goolka lixaad daqiiqaddii 90aad

Waxqabadkiisa ayaa hubiyay in Liverpool aysan oo keliya si buuxda u maamusho ciyaarta, balse ay sidoo kale si toos ah ugu soo baxdo wareegga 16-ka ee Champions League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga