Chelsea Oo Daqiiqadihii Ugu Dambeeyay Garaacday Napoli Una Soo Baxday Wareega 16 Champions League.

Chelsea FC ayaa gaartay guul xiiso leh oo 3–2 ah kadib markii ay ka adkaatay Napoli ee Talyaaniga, kulan ka dhacay garoonka Diego Armando Maradona, kaasoo qeyb ka ahaa wareeggii 8-aad iyo kii ugu dambeeyay ee marxaladda horyaalka UEFA Champions League.

Chelsea ayaa goolka furitaanka dhashay daqiiqaddii 19-aad, kadib rigoore uu si guul leh u dhaliyay Enzo Fernández. Napoli ayaa si xooggan u soo laabatay, iyadoo barbaraha keentay daqiiqaddii 33-aad gool uu dhaliyay Antonio Vergara, ka hor inta aysan hoggaanka la wareegin goolkii labaad oo uu Rasmus Højlund dhaliyay daqiiqaddii 43-aad.

Qeybtii labaad ee ciyaarta, Chelsea ayaa markale barbaraha keentay daqiiqaddii 61-aad, kadib gool uu dhaliyay João Pedro. Isla ciyaaryahankaas ayaa mar kale soo laabtay daqiiqaddii 83-aad si uu u dhaliyo goolka saddexaad ee guusha, taasoo xaqiijisay in kooxda London ay guul muhiim ah ku gaarto marti ahaan.

Guushan darteed, Chelsea ayaa dhibcaheeda gaarsiisay 16 dhibcood, iyadoo gashay kaalinta lixaad ee kala sarreynta islamarkaana xaqiijisay u soo bixitaanka tooska ah ee wareegga 16-ka ee UEFA Champions League. Dhanka kale, Napoli ayaa ku haray 8 dhibcood iyadoo fadhida kaalinta 30-aad, taasoo si rasmi ah uga reebtay tartanka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga