Liam Rosenior Oo Ka Fal Celiyay Wararka Palmer La Xidhiidhinaya Man United.

Tababaraha Kooxda Chelsea Liam Rosenior ayaa ka fal celiyay wararka xiddiga Cole Palmer la xidhiidhinaya kooxda Man United.

Shalay ayay soo bexeen warar sheegaya in uu Palmer qorshaynayo in uu ku laabto Manchester isaga oo ku biiraya kooxda Man United.

Xiddiga Blues ayaa lagu soo waramayaa in uu taageero u yahay kooxda Man United isla markaas qorshaynayo in uu ku biro.

Warar kale ayaa sheegaya in ay Man United diyaarinayso dalab ay ku doonayso xiddiga reer England suuqa xagaaga.

Si kasta ha ahaatee Liam Rosenior ayaa si cad warkaas Meesha uga saaray isaga oo sheegay in uu Palmer ku jiro qorshaha wakhtiga fog ee Chelsea.

“Wan hubaa in Palmer qayb weyn ka yahay qorsheheena mustaqbalka”ayuu Liam Rosenior yidhi.

“Haatan waxa uu ku jiraa xaalad fiican waxana uu kooxda kula jiraa heshiis wakhti foga ah”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga