SuperComputer ayaa saadaaliyay shanta kooxood ee ugu sarreeya ee suuragalka u ah inay ku guuleystaan Champions League xilli-ciyaareedkan.
Ka hor wareegga ugu dambeeya ee kulamada heerka group-yada, Arsenal ayaa hoggaanka haysa iyada oo leh 21 dhibcood, kaddib markii ay guuleysatay dhammaan toddobadii kulan ee ay ciyaartay ilaa hadda.
SuperComputer waxa uu siiyay Gunners-ka fursad ah 26% inay ku guuleystaan tartanka xilli-ciyaareedkan.
Bayern Munich ayaa ku jirta kaalinta labaad, waxaana loo qiyaasay 17% fursad ay mar kale ku guulaystaan tartanka
Kooxda difaacaneysa koobka, PSG, waxaa la siiyay 10 boqolkiiba suuragalnimo, halka Manchester City ay haysato 9% fursad.
Sida uu sheegay SuperComputer-ku, Liverpool waxay leedahay 7% fursad ay ku qaadi karto Champions League.
Be the first to comment