Kooxda Bodø/Glimt ayaa gaartay guul taariikhi ah kaddib markii ay 3–1 kaga adkaadeen Manchester City kulankii wareegga toddobaad ee marxaladda horyaalka ee tartanka Champions League, kaas oo ka dhacay garoonka Aspmyra.
Bodø/Glimt ayaa laba gool dhaliyay daqiiqadihii 22 iyo 24, waxaana u kala dhaliyay Kasper Høgh, halka goolka saddexaad ay dhaliyeen martigeliyeyaasha daqiiqaddii 58-aad, waxaana saxiixay Benz Haug.
Daqiiqaddii 60-aad, Manchester City ayaa hal gool soo ceshaday oo uu dhaliyay Rayan Cherki, balse daqiiqaddii 62-aad ayaa Rodri laga saaray ciyaarta kaddib markii uu laba kaar oo jaalle ah qaatay hal daqiiqo gudaheed.
Manchester City ayaa ku haray 13 dhibcood, iyagoo si ku-meel-gaar ah ugu jira kaalinta afraad, halka Bodø/Glimt ay dhibcahooda u kordhiyeen 6, iyagoo galay kaalinta 26-aad.
Guushan ayaa ah tii ugu horreysay ee Bodø/Glimt ka gaaraan koox Ingiriis ah, sidoo kalena waa guushoodii ugu horreysay abid ee tartanka Champions League.
Be the first to comment