Halkee Ayuu Marayaa Tartanka Gooldhalinta Koobka Africa

Garabka xulka Morocco, Brahim Díaz, ayaa ah gooldhaliyaha ugu sarreeya tartanka socda ee Koobka Qaramada Afrika (AFCON).

Xiddiga Real Madrid ayaa ilaa hadda dhaliyay shan (5) gool, wuxuuna hal gool ku horreeyaa ciyaartoyda kala ah Mohamed Salah oo Masar ah iyo Victor Osimhen oo Nigeria ah.

Arrintan waxay timid kadib marka la soo gabagabeeyay kulammada afar-dhamaadka (semi-final) ee AFCON oo la ciyaaray habeenkii Arbacada.

Waxaa la xusuustaa in Senegal ay 1–0 ku garaacday Masar, taasoo u suurtagelisay inay u soo baxdo finalka AFCON, halka Morocco ay Nigeria kaga adkaatay rigoorayaal.

Gooldhaliyeyaasha AFCON ka hor finalka:

  • Brahim Díaz (Morocco) – 5 gool

  • Victor Osimhen (Nigeria) iyo Mohamed Salah (Masar) – 4 gool

  • Ademola Lookman (Nigeria), Lassine Sinayoko (Mali), Ayoub El Kaabi (Morocco), Riyad Mahrez (Algeria) iyo Amad Diallo (Ivory Coast) – 3 gool

  • Sadio Mané (Senegal) – 2 gool

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga