Real Madrid Oo Si Ceebi Ku Jiro Looga Reebay Copa del Reyga

Real Madrid ayaa laga reebay Copa del Rey kaddib markii ay guuldaro 3–2 kala kulantay Albacete kulankii wareegga 16-ka, kaas oo lagu qabtay garoonka Carlos Belmonte.

Albacete ayaa hoggaanka qabatay daqiiqaddii 42-aad, kaddib markii Javi Villar uu madax ku dhaliyay kubbad ka timid koorno, taas oo uu dhaafiyay goolhayaha Andriy Lunin.

Daqiiqaddii 45+3-aad, Real Madrid ayaa dhalisay goolka barbaraha. Kubbad koorno ah ayaa la soo tuuray, Hausen ayaa madaxa ku dhuftay balse goolhayaha ayaa marka hore badbaadiyay, ka dibna Franco Mastantuono ayaa raaciyay kuna dhaliyay shabaqa.

Daqiiqaddii 82-aad, Albacete ayaa dhalisay goolkeedii labaad, kaddib markii Gonzalo García uu iska bixiyay kubbadda, taas oo gaartay Jefty Betancur, kaas oo toogtay kubbad dhulka ku dhacday una gashay shabaqa.

Real Madrid ayaa markale barbaraha keentay daqiiqaddii 90+1-aad, kaddib koorno uu soo tuuray Arda Güler, halkaas oo Gonzalo García uu si xirfad leh madax ugu dhaliyay gool.

Si kastaba ha ahaatee, Albacete ayaa dhalisay goolka guusha daqiiqaddii 90+5-aad, waxaana mar kale shabaqa soo taabtay Jefty Betancour.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga