Man United Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Mainoo, Zirkzee Iyo Ugarte

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay go’aan ka gaadhay xiddigo kooxdeeda ah oo shaki ku jiro mustaqbalkooda.

waxaa ka jira warar sheegaya in ciyaartoyda sida Kobbie Mainoo, Joshua Zirkzee iyo Manuel Ugarte ay dhammaantood sii joogi doonaan kooxda inta lagu jiro suuqa kala iibsiga ee hadda socda.

Mark Ogden oo ka tirsan ESPN ayaa sheegay in tababaraha cusub ee Manchester United Michael Carrick uu go’aansaday inuu ku sii shaqeeyo kooxda hadda jirta waqtigan, inkastoo Red Devils ay garowsan yihiin baahida loo qabo in si gaar ah loo xoojiyo khadka dhexe.

Manchester United waxaa la sheegay inaysan doonaynin xalal ku-meel-gaar ah, isla markaana ay ku adag tahay inay ka soo jiitaan bartilmaameedyadooda ugu waaweyn kooxahooda haatan bishaan gudaheeda.

Taasi waxay ka dhigan tahay in Mainoo, Zirkzee iyo Ugarte — kuwaas oo dhammaantood la dhibtooday helitaanka waqti ciyaareed xilli ciyaareedkan, inkastoo ay taasi ka dhacday xilligii tababarihii hore Ruben Amorim — aan loo oggolaan doonin inay baxaan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga