Chelsea Oo Bilowday Wadahadalo Ay Ku Doonayso Xiddig Wacdaro Ka Dhigay Koobka Africa.

Chelsea ayaa billowday wada-hadallo ay ku doonayaan inay ku saxiixdaan weeraryahanka Feyenoord, Anis Hadj-Moussa, inta lagu jiro suuqa kala iibsiga bisha Janaayo, sida ay sheegayaan warbixinno ka imanaya Faransiiska.

Garabka weerarka ah ee ku dhashay Paris ayaa indhaha soo jiitay kadib bandhigyo wanaagsan oo uu sameeyay kulammo kooban oo uu ka ciyaaray Koobka Qaramada Afrika (AFCON) isagoo la joogay xulka Algeria, kuwaas oo laga reebay tartanka wareegga afar-dhamaadka kadib guuldarro ay kala kulmeen Nigeria dhammaadkii usbuuca.

Arrintani waxay daba socotaa bilow xilli-ciyaareed oo aad u wanaagsan oo uu Hadj-Moussa ka sameeyay heerka naadi, iyadoo 23-jirkan uu dhaliyay toddobo gool isla markaana bixiyay saddex caawin 23 kulan oo uu u saftay Feyenoord.

Warbaahinta Faransiiska ee Foot Mercato ayaa sheegtay in bandhigyadii ugu dambeeyay ee Hadj-Moussa ee AFCON ay kasbadeen xiiso badan oo ka imanaya naadiyo kala duwan oo Yurub ah — iyadoo Chelsea ay noqotay naadigii ugu dambeeyay ee tallaabo qaada si ay u helaan saxiixiisa.

Waxaa la sheegaya in kooxda heysata Koobka Adduunka ee Naadiyada ay sameeyeen weydiimo hordhac ah oo ku saabsan suuragalnimadauu xiddiga Ugu wareegi karo kooxda Suuqa Jamuary, iyadoo kulan uu dhex maray wakiilka Hadj-Moussa, Mohamed Dahmane, iyo madaxda Stamford Bridge.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga